U Halganka Siyaasad Dan Guud
Siyaasaddu sideedaba waa raadinta danta guud, waana sidii muwaaddiniintu uga qayb noqon lahaayeen qaabaynta aayahooda, hoggaamiyahaashuna ay ugu adeegi lahaayeen danta dadka. Waa in ay noqotaa fagaare u xiran fikir, nafhur, iyo xilkasnimo. Hoggaanku waa adeeg; maamulkuna waa wax-hur.
Laakiin, Soomaaliya waxaad mooddaaba in siyaasaddu ay ku macne beeshay oo ku saaqidday, markii laga weeciyey jidkeedii noqotayna saylad danta gaarka ah lagu eryado oo hungurigii ka xoog batay himiladii.
Kooxaha iyo Isbahaysiyada siyaasadeed badanaa laguma saleeyo axdi iyo ballan adag oo ku aaddan qarandhis, ee waxa la isugu yimaaddaa laguna kala tagaa xisaabo ku fadhiya awood-hanasho, iyo macaash shakhsi ah. Hoggaamintii ay ahayd in karti iyo karaan lagu eego ayaa lagu qeexaa qofkee dhisataa oo waxaada ka heshaa, qofkee dantaada beri daacad u noqonaya. Halkii lala iman lahaa aragti istiraataji ah, waxa lagu socdaa mid maalin ku mood ah, halkii hal abuur iyo falcurin lagu shaqayn lahaa, waxaa lagu dhaqmaa falcelin iyo ku daysi ficil hore.
Dawladnimadii waxaa loo fahmay awood ay koox isbahaysatay dadka ku xukunto, hantidoodana ku maamusho. Tani waxay keentay in musuqmaasuqii xargaha goosto oo ay dawladnimadii nuxur beesho, kalsoonidii dadweynaha ee markii horaba liiqliiqanaysay ay baaba’do, kana aaminbaxaan siyaasadda iyo cidii sheegtaba.
Haddii aynaan khaladkaa sixin, ciribxumo aan la mahadin oo jiilasha danbe gaarta ayaa ka dhalanaysa. Siyaasad maxaan liqaa ku dhisani ma keento dawladnimo iyo nabad hanaqaad ah, ee waxa ka beerma in xumaan kasta oo la geysto cidna loo raacan, balse la isugu abaalgudo. Haddii siyaasaddu xaraash iyo xoolo jaban ay noqoto, dhaqaaluhu fadhiid buu noqdaa, caddaaladdu way wiiqantaa, midnimada ummadeedna way kala daadataa .
Dawladnimadii wax ilaalin lahaydna iyadii baa la iska ilaaliyaa, haddana iyadii baa ilaalo u baahata, waxay noqotaa mid aan awoodayn in ay dadkeeda amnigiisa sugto, haddana boobkooda miciyo u leh.
Saamaynta taban ee siyaasigu kuma eka maanta ee wuxuu qaabaynayaa hab fekerka iyo hab dhaqanka jiilka ka danbeeya. Dhalinyaro badan ayaa maanta siyaasadda u arka meel degdeg loogu hodmo. hanti badan laga heli karo, iyadoon wax badan kaa gelin. Jiil dhan oo musuqmaasuq iyo isdabamarin ku indha-dillaacsadayna waxay halis ugu jiraan in ay caadiyeeyaan oo ay caadaystaan.
In siyaasadda loo arko dan guudi waxay ka bilaabmaysaa in halbeega qiyam iyo miisaanka akhlaaqeed isbeddelo oo loo arko in siyaasaddu tahay masuuliyad, ee aannu ahayn cad la isku abaalmariyo, hoggaamiyahana lagu xulo tayo, karti, iyo lexejeclaysi.
Kama bixi karno hooga ina haysta, kamana baxsan karno halista ina dul hogan, haddii aysan siyaasaddu hagaagin, hoggaan samatabixiye ahna la helin.
Jaamacadaheenna, dhaqdhaqaaqyada dhallinyaradeenna, iyo barkulannadeennu waa in ay aqbalaan oo karkariyaan doodo iyo dan ummadeed oo la wadaago.
Samatabixinta iyo dib-u-qaabaynta aayaha dalka looma dayn karo siyaasiyiin dantooda oo keli ah ku hardamaya. Xilkaasi waa waajib saaran dhallinyarada, ganacsatada, culimada, aqoonyahanka, iyo qurbajoogta oo isu kaashada sidii siyaasadda looga dhigi lahaa dan guud.
Tani way dhibyartahay haddii aan fahamno in awooddu aysan ahayn mansab, lacag, ama hub oo keliya, ee ay tahay xirfad, aqoon, waqti iyo tamar lagu kulmiyey abaabul iyo iskuxir, si loo xaqiijiyo ujeeddo, loona qaabeeyo natiijo. Keliya, waa in halgankaasi lagu saleeyo fikir toolmoon iyo qiyam suuban. Awoodda la iskuma hibeeyo ee waa la hantaa”
Dhallinyaradu maaddaama ay fursad u haystaan aqoontii, iskuxirnaantii, iyo halabuurka lagu curiyo tiknoolajiyadda casriga ah, waxay kari karaan in ay is hortaagaan musuqmaasuqa, oo ay isku abaabulaan dib u qeexidda awoodda iyo hoggaaminta.
Rejada Soomaaliya ku ma jirto in dib loogu noqdo siyaasado daxalaystay oo ma dhalays ah, ee waa in dib loo suureeyo oo looga fekero siyaasadda iyada oo loo arkayo in ay tahay mihnad akhlaaqeed oo mustaqbalka lagu samatabaxo, ee aan loo arkayn soor maalintaa dheriga laga soo ritay.
Tallaabada kowaad ee lagu soo noolayn karo iimaanka ay dadkeennu dawladnimada ku qabaan, waa in la tuso in siyaasadda ay dan guud tahay.

Waa hadal xaqiiq ah mudane
Danta Guud maahan qof kasta siduu u yaqaan maaha ee waa sida caamka ah ee aan ka hor imaanayn aragtida caamka ama muwaadiniinta, dowladnimada iyo dastuurka. Dantaguud waxaa kow, labo iyo saddax ka ah in la ilaaliyo dastuurka waddanka lana ixtiraamo shaqada dowladnimada iyo golaha sharcidajinta. Waraysigii uu hadda ka hor mar uu kaa qaaday wariye Gallan Media waxaad si xishood la'aan ugu caysay Golaha Sharcidajinta oo ah hay'adda kaliya ee matasha shacabka Soomaaliyeed adigoo ka faanay shaqo aad mushaar ku qaadatid oo yiri kuma faraxsani inaan kamid noqdo. Waa shaqo la qabto tan ugu sharafta iyo mansabka badan ee qof kastaa ku riyoodo. Nasiibdarro kama hadli kartid danguud adigoo aan fahansnayn waxa ay tahay dhan ahaantii.