Kolka uu hadalkii shalay kugu markhaati furo
Waxa la yiraahdaa, siyaasaddu cadowga ugu adag ee ay leedahay waa marka lagu hor keeno hadalladii hore ee diiwaanka kuu galay. Maalmahan waxa meel kasta kaaga soo hor baxaya khudbadihii Madaxweyne Xasan Sheekhe ee xilligii uu mucaaradka ahaa jeediyey, isaga oo ka digaya talo urursi, muddakordhin, kuxadgudubka dastuurka iyo doorosho aan heshiis lagu ahayn, oo qof keli ah u afduuban. Khudbadahaasi faallayn uma baahna, sababta oo ah waa markhraati cad iyo muraayad uu si fiican isugu eegi karo Maraxweynuhu.
Dhanka kale, waxa la yiraahdaa siyaasaddu dood aragtiyeed way ka gudubtaa marka hadalladii shalay iyo ficilkaagii maanta ay is buriyaan, waxayna u gudubtaa damiir qoyan iyo masuuliyad akhlaaqeed. Ummad colaad sokeeye ka soo kabanaysa, is'aaminadda dhexdoodu ay yar tahay, oo hay'adaha dawladnimadoodu ay jilicisan yihiin, raasamaalka siyaasadeed ee ugu weyn ee ay heli karaan waa hoggaam la aamini karo, la isku hallayn karo, oo hadalkiisa iyo ficilkiisu iswaafaqsan yihiin.
Waxaa kaloo iyana caalamad digniin ku filan ah sida Madaxweynaha saaxiibbadiiisu aanay si kalsooni leh u difaacaynin qorshihiisa siyaasadeed, cidna aanay ku qancinaynin, balse waxay si hoose uga digayaan halista jihada dalku u socdo.
Hoggaamiyaha bisaylka siyaasadeed lihi waxa uu akhriyaa digniinahaas, wuxuuna kaga jawaabaa joogsi, is xisaabin, iyo is dabaqabasho. Madaxweyne Xasan taas kama muuqato.
Taas bedelkeeda waxaa difaac kooxo aan miisaan culus iyo maqaam siyaasadeed lahayn, hadalkoodu ka maran yahay xikmad, garnaqsi iyo saamayn ay ku gaari karaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha calaamka. Waxa la og yahay in intooda badani xoolo iyo xil uu ka qaylisiinayo, ee aysan lahayn aragti iyoo mabda'. Kooxdaas difaacoodu waa mid taagdaran, wuxuuna dhaawacaa sumcadda xukunkiisa ee waxba uma kordhiyo.
Madaxweyne, maanta oo aad weli waqti haysato haku lumin luggoyn, daandaansi iyo taatiko maalin-ku-mood ah. Waxa weli suurtagal ah, In laga heshiiyo jadwalka iyo habraaca dooroosho aan qofna jeeb ugu jirin oo is'afgarad iyo wadatashi qaran ku dhisan, si xaaladdan kalaguurka ah looga gudbo xasilooni si la mid ah sidii aad yeeshay sanadkii 2016kii, taasoo ahayd geesinnimo hoggaamineed.
Haddiise muddo-xileedku dhammaado waxa ku sugaya waad taqaan. Taageerada dhaqaale, tan diblumaasiyadeed iyo iskaashiga amni waxay ku xirnaan doonaan heshiis siyaasadeed iyo sharciyad la isla oggolyahay, markaas waxaa kala daadan doona dhammaan shabakaddii ku dhisnayd danaha shakhsiga ah, wadaxaajoodkiina waxa uu isu rogi doonaa falcelin, ugu dambayntana cadaadisku waxa uu keeni doonaa isdhiibid iyo in maamulka doorashada cid kale gacanta u galo.
Maanta waxaad taagan tahay halkii uu taagnaa Madaxweynihii kaa horreeyey. Waxaad ka war haysaa in lagu kari waayey doorasho heshiis lagu yahay qabo ka hor muddo-xileedkaaga, natiijadii soo baxday waxay noqotay in wax walba ay gacantiisa ka baxaan. Waa masiir ku sugaya, waxaase waalida ka mid ku celinta ficil isku mid iyo filashada natiijo tii hore ka duwan.
Qabweynida iyo qooqa siyaasadeed wuxuu kugu hoggaaminayaa isku qanacsanaan iyo in aad waaqaca ka indho' la'aato, ugu danbayntiina sidii wankii oo kalana aad cirka eegto markii lagu lagdo, ee mindida gawraca lagu dulsaaro. Weli fursado ayaa kuu furan.

haaa