Discussion about this post

User's avatar
AK Mohamed's avatar

Waa maqaal talo iyo tusaale badan kujiraan. Su’aashu waxay tahay xalka muuqda kaliya ma in kooxda maamulka hogaamiso la badalaa? ileyn inay iyagu intay dib isu qiimeeyaan, garowshiyo sameeyaan oo wanaag horseedaan ma muuqatee?

Kooxda ku xigtaana miyay ka duwanaan doontaa?

Dowlad asaaskeeda ama foundation keeda yahay ciidan ajnabi ah ma laga filan karaa inay talo Soomaali isku raacsan tahay keenaan?

Ali Abdinur Ibrahim's avatar

Dowlad dal dhisaysa, rabitaan shacab iyo muufeysi mucaaradnimo wax duminayso sidaas ayey ahayd inaad ka dhigto ciwaanka.

Aragti wax dhisaysa la imow marka hore ugu yaraan si laguu aamino mar kale. Doorasho qof iyo cod ah la iskama diido ujeedo iyo qorshe la'aan lamana noqdo barti yaqaan bari uma kororto. Kaligeey ayaa wax aqaanana taasi maba shaqayso. Waa dhaqanka geeljirada oo dalkaan horay u dumiyey. Ka daa muufeysiga siyaasadda oo mabda’ la imow. Shalay markaad murashaxa noqotay oo aad heshay 15 ka cod u dhigantay 4.5%, wixii aad ka haldeysay meel kasta ayey yaaliin dib u soo daawo ama u soo dhagayso ma waxey kaa ahaayeen mabda’ iyo waxaad hubtid mise maalin joog iyo ku dangaaris qofeed ayey kaa hayd?

Dhulka dowladdu ka iibinayso ganacsada Soomaaliyeed muddo 30 sano ka badan ayey dayacnaa dhulkaasi. Ma ogtahay inay taasi tahay dan qaran. Dhulka waa la dhisayaa. Bilicda ayuu qayb ka noqonayaa. Maalgashato ayaa dhiiranayso oo ganacsiyo ayaa laga furayaa. Adigu intaas ma fahmi kartid laakiin sida loo diido ayaa taqaan kaliya. Waxaas waa dhaqan caruureed ee iska dhaaf. Mase in dakhligaas ka soo xarooda dhulka lagu fulinayo doorashooyin qof iyo cod ayaad diidantahay. Ileen wax kasta diid ayaa ka wadaa?

Maxaan kugu raacnaa aragti wax dhis karta inaad la timaadid waa muhiim?

No posts

Ready for more?